Xubno Ka Tirsan Ururka Dhagooleyaasha Somaliland Oo Booqasho Ku Yimi Taliska Guud Ee Ciidanka Dab-Demiska

Ururka dhagoolayaasha Somaliland ee ( Somaliland Deaf Association ) ayaa maanta booqasho ku yimi taliska guud ee ciidanka Dab-demiska Somaliland, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan ( Sawaaxili ).

Ujeedada kulankan ayaa ahayd qodobadan hoos ku xusan in ay iska kaashadaan ciidanka Dab-demiska iyo ururka dhagoolayaashu :

1. In la helo hab dadka dhegoolayaasha ah ay ula soo xidhiidhi karaan ama gurmad u soo dalban karaan ciidamada Dab-demiska hadii ay gurmad u baahdaan.

2. In dadka dhegoolayaasha ee wata gaadiidka loo sameeyo astaamo lagu dhajiyo gaadiidka ay wataan, si ciidanka Dab-demisku u aqoonsan karaan.

3. In lagu tababaro ka hortagga dabka, habka loo damiyo dabka iyo haamaha cuntada lagu karsado.

4. In barnaamijyada wacyigelinta ah ee ciidanka Dab-demiska ka soo baxa lagu daro luuqada faraha ee suuldhabaalaha iyo in qoraalo lagu sameeyo muuqaaladaas.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaa ka hadlay ayaa uga mahadnaqay xubnaha ururkan ee maanta soo booqday taliska, waxaanuu tilmaamay in ahmiyad gaara ciidanku siin doono dadka dhagoolayaasha ah, sidoo kalena la bilaabi doono arrimahaa kor ku xusan.

Dhankooda Gudoomiye ururka dhagoolayaasha iyo xubnaha kale ee ururka oo halkaa ka hadlay ayaa uga mahadnaqay Taliyaha iyo saraakiisha kale ee ciidanka, sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen waxaanay sheegeen inay ku faraxsanyihiin in hawlahan muhiimka layska kaashado sidii wax looga qaban lahaa.

Ugu dambayn xubnaha ururkaas ayaa soo maray qaybaha kala duwan ee xarunta sida isgaadhsiinta oo ah halka ay ku soo dhacaan taleefanada gurmadku, gaadiidka , maktabada iyo xafiisyada kala duwan ee ciidanka.

Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 Emergency Service