Wiil Dhalinyaro oo Shoodh laydh ku dhintay magaalada Burco iyo ciidanka Dab-demiska oo ka hawlgalay

#Burco Alle haw naxariistee waxaa maalinimadii shalay xaafada Caqiibo ee Degmada Sheekh Bashiir ku geeriyooday Nin shoodh laydh qabsaday.
Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa ka hawlgalay waxaana ciidanku Maydka ka soo saareen meherada uu joogay marxuumku.
Laamaha amaanka iyo Shirkadda korontada ayaa iyaguna goobtaas soo gaadhay, waxaana ciidanka Dabdemisku maydkii ku wareejiyay ciidanka dambi baadhista Booliska.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, Qaraabadii Iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku, Samir iyo iimaan saadiq ah Alle haynaga siiyo Aamiin Aamiin.
Info@somalilandfire.com
990 Emergency Services