Wiil Dhalinyaro ah oo Ku Dhintay Barkad Ku taala xaafada Sheekh Cumar.

Wiil Dhalinyaro ah oo Ku Dhintay Barkad Ku taala xaafada Sheekh Cumar.
Hargeysa 23/08/2021_Alle Haw Naxariistee Wiil Dhalinyaro ahaa ayaa ku qaraqmay kuna dhintay Barkad ku taala xaafada Sheekh Cumar gaar ahaan qudbiga.
Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo goor dambe la soo wargeliyay ayaa gaadhay goobtaas, waxaana maydka ay ka soo saareen Barkadda.
Ciidanka dambi baadhista Booliska oo goobtaas ku sugnaa ayaa la wareegay maydka baadhitaana ku samaynaya sababta dhimashada.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu fariin adag halkan uga dirayaa bulshada inay ka taxadaraan goobaha Baliyada,dooxyada,baraagaha iyo biyomareenada.
Hargeysa/Somaliland
www.fire.govsomaliland.org
990 Emergency service