Wefti ka socday Dawlada Imaaraadka oo soo booqday ciidanka Dab-demiska JSL

Wefti ka socday machadka tababarada badbaadada iyo caafimaadka ee waddanka Imaaraadka ( Institute of health and safety) ayaa kulan ka qabsoomay taliska guud ee ciidanka Dab-demiska la qaatay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili .
Ugu horayn Taliyaha Ciidanka Dab-demiska ayaa soo dhaweeyay weftigaa, waxaanuu u sharaxay taariikhda ciidanka Dab-demiska Somaliland, qaabka uu u shaqeeyo, iyo waxqabadkii qabsoomay. Sidoo kale wuxuu taliyuhu warbixin ka siiyay dabkii ka kacay suuqa Waaheen iyo qaabkii ciidamada Dab-demisku ula tacaaleen.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo abuuri ahaa iskaashi labada dhinac dhex mara kaasoo layskaga kaashanayo dhinacyada horumarka iyo tababarada.
Kulankan waxaa Taliyaha ku wehelinayay xoghayaha guud ee ciidanka Dab-demiska iyo saraakiisha kale ee ciidanka.
Weftiga ayaa soo maray qaybaha kala duwan ee ciidanka dab-demiska Qaranka Somaliland, sidoo kale waxay soo arkeen dhibaatadii uu geystay dabkii ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 Emergency Service