Warbixin ku saabsan Roob ka da'ay magaalada Hargeysa Habeenimadii xalay.


Warbixin hordhac ah oo ku saabsan Roobab waaweyn oo caawa ka da'ay magaalada Hargeysa.
#Hargeysa Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa ilaa fiidkii caawa Roobab waaweyn oo ka da'ay magaalada Hargeysa gurmad samatabixina u fidiyay 48 Qof kuwaasi oo iskugu jiray caruur, dad waayeela oo guryahooda daadku ugu galay , Gaadiid daadka laga badbaadiyay dadkii la socday gaadiidkaas iyo gurmado Kale.
Ciidanka ayaa sidoo kale hal Nin isagana ka soo badbaadiyay laagta ku taala baliga Qudhac dheer ee degmada Maxamuud Haybe.
Waxaa xusid mudan in ciidanka dab-demisku Gaadhi ka mida gaadiidkaas ay ka soo badbaadiyeen hanti dhamayd Soddon Milyan Somaliland Shilling iyo 600 $ dollar.
Guud ahaan ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa ka hawlgalaya dhamaan degmooyinka, waxaana ciiidamadu ilaa hadda ku hawlan yihiin ciidan iyo sarkaalba samatabixinta iyo badbaadada nafta iyo maalka muwaadiniinta ku nool caasimada Hargeysa.
Ilaa inta la ogyahay ma jiro dhaawac iyo dhimasho uu sababay Roobkan.
Ciidanka Booliska iyo dawlada hoose Hargeysa ayaa iyaguna dhankooda ka hawlgalaya gurmadkan.
Fadlan muwaadin hadii aad u baahato gurmad deg deg ah soo wac 990 Telesom/ Somtel.
Info@fire.govsomaliland.org




26,653
People Reached
4,174
Engagements
Boost Post


573573
100 Comments
30 Shares
Like
Comment
Share