Tuulada Burcada-yar : Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa maanta galabtii gurmad badbaado ah u fidiyay gaadhi Xamuul ah gaar ahaan nooca isjiidka

Tuulada Burcada-yar : Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa maanta galabtii gurmad badbaado ah u fidiyay gaadhi Xamuul ah gaar ahaan nooca isjiidka oo dab ku qabsaday tuulada Burcada-yar oo dhanka Bari ka xigta magaalada Hargeysa, gaadhigaas ayaa alaab u siday waddanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.
Ciidanka Dab-demiska degmada Axmed Macallin Haaruun iyo taliska guud ayaa gurmadkaas u baxay laba gaadhi oo Dab-demis ah, waxaana ciidamadu ku guuleysteen daminta iyo xakamaynta dabkaas, iyadoo la badbaadiyay gaadhigii iyo hantidii saarnayd.
Ugu dambayn waxaa halkaas ciidanka uga mahadnaqay darawalkii ka masuulka ahaa gaadhigaas oo sheegay markii ay soo dalbadeen lambarka gurmadka degdega ah ee 990 in isla daqiiqado yar kadib lagu soo gaadhay, halkaasna lagu badbaadiyay hanti badan.
www.fire.govosmaliland.org
990 Emergency Service