Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa oo kulan ka wada yeeshay Sidii Qorshaha Biyo gelinta Caasimada Hargeysa loogu dari lahaa Nidaamka Dabdemisku Biyaha uga qaataan waddooyinka ee loo yaqaan ( Fire Hydrants) taasoo waxbadan ka tari doonta hawlgalada Gurmadka ee Ciidanka.

Kulankan ayaa Maamulka Ciidanka Dabdemiska, Maareeyaha Wakaalada iyo Saraakiisha Mashruucaa ku hawlan ay Qorsheeyeen Sida ugu habboon ee Nidaamkaas loo samayn lahaa.

Nidaamkan ayaa hore Ciidanka Dabdemisku uga tijaabiyeen Magaalada Burco iyadoo haatana lagu hawlanyahay sidii loo dhamaystiri lahaa.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
Hargeysa/Somaliland
Somalilandfire@gmail.com