Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa kulan kula qaatay taliska guud ee ciidanka Dab-demiska ee magaalada Hargeysa wasiirka wasaarada Diinta iyo Awq

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa kulan kula qaatay taliska guud ee ciidanka Dab-demiska ee magaalada Hargeysa wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Albaani.
Ujeedada kulankan ayaa ahayd in ciidanka Dabdemiska qaranka Somaliland iyo wasaarada diinta iyo awqaaftu iska kaashadaan in bulshada loo sameeyo wacyigelin ku saabsan ka taxadarka khatarta dabka iyo in bulshada lagu wacyigeliyo inay la shaqeeyaan ciidamada Dab-demiska marka hawlgalada lagu jiro.
Ugu dambayn kulankan ayaa laysla qaatay in bulshada laga wacyigeliyo Masaajidada iyo goobaha khayriga ah si kor loogu qaado wacyiga bulshada ee ku saabsan ka hortagga khataraha dabka.
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 gurmadka degdega ah