Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Jsl Oo Taliska Ku Qaabiley Aggaasima Guud Ee Wasaaradda Amniga

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha amniga ee Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Ibraahim Ismaaciil Cali, Xildhibaan Axmed Cabdikariim Ducaale Walhad iyo wasiir hore Axmed Nuur Faahiye.

Kulankan ayaa daarnaa booqasho iyo is xaalwaraysi agaasimaha guud ee amniga iyo ciidanka Dab-demiska, maadama oo Agaasimaha dhawaan loo magacaabay masuuliyadaas.

Waxaa iyaguna kulankaa goobjoog ahaa xoghayaha ciidanka Dab-demiska Ibraahim Suldaan Barre iyo saraakiisha kale ee ciidanka oo kala ah Hawlgelinta, Maaliyada, Hawlaha Ciidanka iyo Warbaahinta.

Masuuliyiinta ayaa ugu dambayn soo maray qaybaha kala duwan ee taliska guud ee ciidanka dab-demiska Jsl.

Info.fire@sldgov.org