Taliyaha Ciidanka Dab Demiska Jsl Oo Kulan La Qaatay Maamulka G/Gabiley Iyo Degmo Ganacsiyeedka Tog Wajaale

Kulanka Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Maamulka gobolka Gabiley iyo Guddida ganacsatada magaalada Wajaale.

Wajaale- Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta magaalo ganacsiyeedka Wajaale kulan kula qaatay maamulka gobolka Gabiley oo ay ugu horeeyaan Badhasaabka gobolka Gabiley mudane Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, Mayorka magaalada Wajaale Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed ,xoghayaha dawlada hoose Wajaale Cabdilaahi Xasan Samaale iyo guddiyada ganacsatada iyo horumarinta magaalada Wajaale.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii ay ganacsatada magaalada Wajaale uga qayb qaadan lahaayeen barnaamijyada horumarinta ciidanka dabdemiska magaalada Wajaale, taasi oo baahi weyn loo qabo in la helo gaadiid dab-demis ku filan magaaladaas.

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Mayorka magaalada Wajaale oo ugu horayn soo dhaweeyay waftiga ay horkacayaan taliyaha iyo badhasaabku, waxaanuu halkaas ka sheegay in ciidanka dab-demiska magaalada Wajaale degmada ka qabtaan hawlo badan oo lagu diirsado, waxaanuu sheegay inuu marksataba garab taagan yihiin ciidamada dabdemiska magaalada Wajaale iyo Somaliand. Waxaanu mayorku ganacsatada ku booriyay inay dhankooda garab istaagaan ciidanka.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland ayaa isaguna halkaa hadal dheer ka jeediyay waxaanu ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in xukuumad iyo shacab wax la wada qabsado, waxaanuu taliyahu ganacsatada u hogatusaaleeyay sida ay muhiim u tahay in hantida faraha badan ee ganacsatada la helo wixii lagu ilaalin lahaa haday noqoto in meheradaha la dhigto qalabada yar yare e damiyaasha iyo haday noqoto in ganacastadu dhankooda ka qayb qaataan horumarka ciidanka dabdemiska Wajaale marba marka ka sii dambaysa samaynayo.

Badhasaabka gobolka Gabiley ayaa isaguna dhankiisa sheegay in kulankan maanta ahmiyad gaara u leeyahay bulshada iyo ganacsatada ku nool magaalada Wajaale, waxaanuu sheegay in ciidanka dab-demisku markasataba ilaalinayaan nafta iyo maalka muwaadiniinta, waxaanu gudoomiyuhu xusay in laga maarmaan tahay in guddida ganacsatadu markastaba ka qayb qaataan in ciidanka dabdemiska loo soo kordhiyo gaadiid iyo qalab.

Gunaanadkii xubno ka mida guddiyada ganacsatada magaalada Wajaale oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye xigeenka guddiyada, culimada iyo waayeelka oo halkaas ka hadlay ayaa dhammaantood iska daba maray sida ay muhiim u tahay inay garab istaagaan ballaadhinta iyo tayaynta ciidanka dabdemiska Wajaale, waxaanay ballanqaadeen inay ka qayb qaadanayaan horumarinta ciidanka.

Gebagabadii waxaa loo ballamay in kulamo dambe oo lagu sii dardargelinayo hawlahan layskaga soo noqdo halkaasna laga sii amba qaado.

Ugu dambayna waxaa waftigu si wada jira u soo kormeereen dhismaha ciidanka dab-demiska Wajaale oo gacanta lagu hayo dhawaana xadhiga laga jari doono, iyadoo loo sameeyay dhisme ku filan baaxada shaqo ee degmada.

Info@Somalilandfire.com
990/Gurmadka degdega ah