Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Jsl Oo Kormeer Ku Tagay Xarunta Guud Ee Shirkadda Gamuur Company.

Hargeysa_ Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta kormeer iyo qiimeyn ku sameeyay xarunta Shirkadda Gamuur Company ee magaalada Hargeysa.

Kormeerkan ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu sameeyo qiimeyn meelaha ku haboon ee la dhigi karo dab-damiyaasha iyo in dhamaan xaruntaas lagu rakibo qalabka ka hortaga aafada dabka ama damiyaasha dabka.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Dab-demiska ayaa kala taliyay dhinaca ka hortagga dabka ah siiiyay maamulka shirkadda Gamuur, taasoo lagala taliyay waxyaabaha muhiimka ah ee lagaga hortagi karo dabku intaanu iman, waxaana laysla qaatay marka lagu rakibo qalabkaas in shaqaalaha xaruntaasna lagu tababaro.

Kormeerkan waxaa Taliyaha ku wehelinayay hogaanka Waaxda Farsamada.

Warbaahinta CDQ
Hargeysa/Sonaliland.
990 Gurmadka Degdega ah
Info@somalilandfire.com