Taliyaha Ciidamada Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo Mayorka magaalada Laascaanood mudane Cabdiraxiim Cali Ismaaciil Qase ayaa maanta kulan gaara ku wada qaatay ta

#Laascaanood Taliyaha Ciidamada Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo Mayorka magaalada Laascaanood mudane Cabdiraxiim Cali Ismaaciil Qase ayaa maanta kulan gaara ku wada qaatay taliska guud ee ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dardargelinta hawlaha shaqo ee ciidanka Dab-demiska Laascaanood, kuwaasi oo hadda meel fiican maraya, isla markaana bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood ay u bogeen hawlaha shaqo ee halkaa ay ka wadaan. Sidoo kale wuxuu taliyuhu mayorka ku soo dhaweeyay shaqadii habsamadi lahaa ee ka dhaxaysay labada dhinac.
Dhinaca kale taliyaha iyo mayorka ayaa isla soo hadal qaaday dhismaha xarunta ciidanka Dab-demiska Laascaanood oo hadda gabagabo ku dhaw, isla markaana dhawaan dhismahaas la dhamaystiri doono.
Ugu horayna waxaa halkaa ka hadlay gudoomiyaha golaha deegaanka magaalada Laascaanood waxaanuu taliyaha ciidanka uga mahadnaqay sida uu ugu heelanyahay in magaaladu yeelato Ciidan tayaysan oo ka hortagga aafada Dabka, waxaanuu taliyaha ku dhiirigeliyay inuu dadaalka halkaas ka sii wado. sidoo kale mayorku wuxuu isbarbardhig ku sameeyay farqiga u dhaxeeya markii magaaladu aanay lahayn ciidan Dab-demis iyo hadda oo laga yagleelay ciidanka Dab-demiska, waxaanuu tilmaamay in baahi weyn oo deegaanku tabayeen ciidanku ka daboolay.
Dhankiisa taliyaha ciidanka Dab-demiska Sareeye guuto Sawaaxili ayaa u mahadnaqay mayorka Laascaanood iyo golihiisa deegaanka siday diyaarka ugu yihiin Dab-demiska, waxaanu dedaalkaas ku bogaadiyay duqa degmada.
Kulankan waxaa taliyaha ku wehelinayay xubno ka mida saraakiisha Ciidanka.
Labada masuul ayaa isla qaatay in hore looga sii socdo qorshaha horumarinta ciidanka Dab-demiska magaalada Laascaanood,Mustaqbalkana loo samayn doono xarumo ciidanku ka hawlgalo degmooyinka magaalada,taasoo dadweynaha iyo qurbajoogta looga baahanyahay kaalintooda inay gacan ka geystaan dhismaha Ciidanka Dab-demiska.
Ugu dambayna wuxuu taliyuhu maayarka cusub ugu duceeyay in ilaahay xilka iyo masuuliyadaa ku asturo.
Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/Somaliland
990/Gurmadka Degdega ah