Taliyaha CDQ Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Gudoomiyaha Jaamacada Beder Mubaarig I Aar

Hargeysa Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta kulan gaara la qaatay Madaxweynaha Jaamacada Beder Mubaarig Ibraahim Aar.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii iskaashi dhinaca aqoonta ah ay iskaga kaashan lahaayeen Jaamacada Beder International University iyo Ciidanka Dab-demiska Somaliland, si xubnaha Ciidanka aqoontooda iyo xirfadooda kor loogu qaado.

Ugu horayn Taliyaha Ciidanka ayaa halkaa ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha waxaanuu sharraxaad waafiya ka siiyay muddadii Ciidanku jiray waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha Ciidanka.

Taliyaha ayaa sidoo kale Gudoomiyaha Jaamacada Beder ku bogaadiyay dedaalada dheeraadka ee uu ka wado haayada kala duwan ee dalka, isagoo soo kordhiyay hal-abuuro cusub.

Gudoomiyaha ayaa dhankiisa ka garaabay waxqabadka ballaadhan ee ay ku tallaabsadeen Ciidamada Dab-demisku, waxaanuu horumarkaas ku amaanay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska oo hormuud ka ah arrintaas iyo ciidan weynaha Dab-demiska, waxaanuu tilmaamay in waxbadan oo dhanka aqoonta ah iskaga kaashan doonaan Ciidanka Dab-demiska.

Ugu dambayn Taliye Sawaaxili iyo Gudoomiyaha ayaa isla qaatay in labada dhinac iska kaashadaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Ciidanka, waxaana gebagabadii ay soo indha indheeyeen qaybaha kala duwan taliska guud, gaar ahaan xafiisyada, Isgaadhsiinta, hoolka tababarada iyo hoostada Gaadiidka.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
990 Gurmadka degdega ah
Somalilandfire@gmail.com