Taliyaha CD Oo Tobabar Siinaaya Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Booliiska

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa maanta tababarkii Saddexaad oo ku saabsan Haanta cuntada lagu karsado u qabtay 52 Sarkaal oo ka tirsan kuuliyada tababarka Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa.

Tababarkan ayaa todobaadkii hore saraakiishu ku qaateen sida loo isticmaalo damiyaasha yar yar ( Portable Fire Extinguishers) taasoo saraakiishu sharaxaad iyo faah faahino ku qaateen , maantana waxaa saraakiishu toos u qaateen ( practical) hababka kala duwan ee loo isticmaalo, sida looga hortago inuu Dab ka kaco iyo sida ugu sahlan ee loo damin karo.

Saraakiisha ayaa halkaas ku qaatay habab kala duwan oo loo damin karo haanta cuntada lagu karsado, oo badanaa nolosheena saamayn badan ku leh , guryaheenana aad loogu isticmaalo.

Masuuliyiinta Kuuliyada tababarka iyo saraakiil kale ayaa halkaa ka soo qayb galay waxaanay ka hadleen muhiimada aqoonta dabku ay leedahay, iyadoo ay tilmaameen inay muhiim tahay in Ciidanka Boolisku wax badan ka ogaado xirfadan.

Ugu dambayn Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyay Ciidanka Booliska oo ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi iyo ku xigeenadiisa oo ku ammaanay in Ciidanka xaga aqoonta, tababarada iyo anshaxa ciidanimo ka dhisaan, waxaanuu taliyuhu mar labaad tilmaamay in ciidamada Booliska iyo Dabdemisku wadashaqayn dhaw leeyihiin had iyo goorna is taageeraan.

Dhanka kalena waxaa saraakiishu halkaa suaalo ku waydiiyeen taliyaha isagoo dhammaan su’aalahaas uga jawaabay.

Ugu dambayna waxaa saraakiisha tababarkaas qaatay mid mid u sameeyeen casharadii halkaa lagu dhigayay.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Somalilandfire@gmail.com
990 Gurmadka degdega
Hargeysa/ Somaliland