Taliska Guud Ee Ciidanka Dab-Demiska Hargeysa Iyo Ciidanka Wajaale Oo Si Wadajir Ah Ugu Gurmaday Dab Qabsaday Laba Guri Oo Wajaale Ku Yaala

Warbixin Ciidamada Dab-demiska magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale ayaa habeenimadii xalay ku guuleystay daminta dab ka dhacay degmooyinka 26 June Hargeysa iyo degmada Wajaale.

Guryahan dabku qabsaday ayaa kala ahaa Jiingad iyo daar, waxaana ciidamadu dabkaas ku xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay, iyadoo dabkaas laga hakiyay inuu ku fido guryihii u dhawaa, kuwaasoo khasaare badan gaadhsiin lahaa, hadii uu sii fidi lahaa.

Ma jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dabkaasi sababay, waxaana ciidanka Dab-demiska hawlgaladan kala shaqeeyay ciidamada ammaanka Somaliland.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/Somaliland
990/Gurmadka Degdega ah
Somalilandfire@gmail.com