Tababarka Dab-Demiya Fuumta Loo Yaqaano Oo Ciidanka Dab-Demisku Tababar Ku Qaateen

Hargeysa- Ciidanka Dab-demiska ayaa tababar xirfadiisu aad u heersarayso ku qaatay Dab-damiyaha loo yaqaano Fuumta ( Foam ) kaasi badanaa lagaga hawlgalo hawlgalada waaweyn sida Kaalmaha Shidaalka iyo goobaha kale ee keeni kara halis baaxad weyn.

Tababarkan ayaa ciidanku ku qaateen Duleedka Bariga Magaalada Hargeysa, halkaas oo waaxda Farsamada iyo Tababaradu ciidanka ku siiyeen tababarkan.

Xirfadan ciidanku barteen ayaa sahlaysa in ciidamada Dab-demisku si yar oo fudud ku damin karaan hawlgal kasta oo baaxadiisa leh oo ka horyimaada ciidanka.

Somaliland Fire Brigade and Rescue Service
Hargeisa/Somaliland
990 Emergency Call
Somalilandfire@gmail.com