Tababar ku saabsan Haamaha Breathing Appartus

#Hargeysa- Taliyaha Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa tababar u furay xubno ka socday Xarumaha Gobolada Ciidanka Dabdemiska, kuwaasi oo lagu tababarayo Habka loo isticmaalo looguna gurmado Haamaha Dabdemiska ee lagu neefsado ee loo yaqaano ( Self-contained Air Breathing Apparatus). Kuwaasoo ka socday Burco iyo Berbera.

Tababarkan ayaa muddada uu socon doono waxaa ciidanku ku baran doonaan habka ugu haboon ee loogu gurmado haamahan iyo Qaab dhismeedkeeda iyo guud ahaan Qaybaheeda.

Tababarkan waxaa hore u Qaatay Saraakiisha Ciidanka Dabdemiska iyo Ciidanka Dabdemiska Hargeysa iyo Guud ahaan saraakiisha Gobolada, imika waxaa toos u qaadanaya ciidanka gobolada.

Guud ahaan Ciidanka Dabdemiska ayaa tababarkan ka faaideystay, waxaana ay ku dabaqi doonaan shaqo maalmeedka Ciidanka Dabdemiska.

Hadii aad u baahato gurmad degdeg ah soo wac 990 lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka Dabdemiska shirkadaha Telesom/Somtel/Soltelco.

Allaa Mahad leh