Tababar ku saabsan Gargaarka degdega ah oo haayada EUCAP oo kaashanaya MSB u qabteen ciidanka dabdemiska Somaliland.

Taliyaha ciidanka Dabdemiska oo 20 Xubnood oo ka tirsan ciidamada Dabdemiska iyo Ciidamada Ilaalada xeebaha u soo xidhay tababar soconayay muddo shan cisho ah.
Tababarkan ayaa ku saabsanaa gargaarka degdega ah sida loo sameeyo.
Ugu horayn macalinkii tababarkaa bixinayay Mr Martin ayaa uga mahadnaqay maamulka ciidanka Dabdemiska iyo saraakiisha tababarka dhamaystay, waxaanuu sheegay in tababarkani wax badan ka tari doono shaqada.
Ugu dambayn taliyaha ciidanka Dabdemiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo tababarkaa soo xidhay ayaa u mahadnaqay macalimiinta tababarkaa bixinayay iyo saraakiisha tababarkaa qaatay.
Taliyaha ayaa sheegay inuu rajaynayo in tababaradani sii socon doonaan, isla markaana ciidanku uga faaideyn doonaan shaqada iyo gurmadka.
Ugu dambayn Taliyaha iyo macalimiin ta ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay saraakiishaa tababarkaa dhamaystay, waxaana bixinayay macalimiin ka socda waddanka Sweden gaar ahaan MSB.