Dab weyn oo ka kacay Suuqa magaalo ganacsiyeedka Wajaale.

Ciidamada Dab-demiska Qaranka Somalialnd ayaa gurmad u fidiyay dab weyn oo ka kacay Suuqa Wajaale ee magaalo ganacsiyeedka Wajaale. Ciidamada ayaa ka soo kala gurmaday magaalooyinka Hargeysa,Boorama iyo Gabiley iyadoo halkaasna ciidamadu dadaal laxaad leh ka galeen sidii ay u demin lahaayeen dabkaas, intaas kadib ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ahaa mid weyn oo ku fidayay qaybaha kale ee Suuqa.