Tababar ciidanka Dab-demiska oo kaashanaya Amoud Foundation oo tababar u Qabtay dadka ku ganacsan Jiray Suuqa Waaheen.

Hargeysa: Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland iyo Ururka dhalinyaradda ah ee camuud foundation oo is kaashanaya ayaa maanta tababar iyo wacyigelin la xidhiidha ka hor taga iyo khataraha uu sababo dabku siiyey qaybo ka mid ah Ganacsatadii yar yarayd ee ku hanti beelay gubashadii suuqa waaheen.
Injineero ka socday Waaxda Farsamada, tababarada iyo wacyi gelinta bulshadda ee ciidanka Dab-demiska ayaa halkaasi uga faa'iideeyey ganacsatadii tababarka qaadanaysay.
Xubnahan tababarka qaadanayey ayey ciidanku ku tababareen isticmaalka Damiyeyaasha yar yar ee gacanta lagu qaadan karo afka qalaadna loo yaqaano ( PORTABLE FIRE EXTINGUISHERS ) kuwaasi oo ka caawin kara hadii ay arkaan masiibo dab in ay kula sii tacaalan si aanu dabku ugu fidin inta uu ciidanku usoo socdo goobta.
Ganacsatada iyo dhamaan masuuliyiinti goob jooga ka ahaa tababarka ay ciidanku bixinayeen ayaa uga mahad celiyey ciidanka Dab-demiska iyo taliyaha ciidanka Sareeyo guudo Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili kaalinta naf hurka leh ee ay bulshadda ugu jiraan.
Sidoo kale Ururka Camuud Foundation ayaa deeq lacag ah ugu deeqay ganacsatadii yar yarayd ee tababarka la siinayey kuwaaso oo ay usoo ururiyeen walaalo muxsimiin ah oo ku sugan qurbaha.
Ugu dambayn Taliyaha Guud ee ee Ciidanka Dab-demiska Jsl Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa soo gabo gabeeyey tababrka waxaanu kula dar daarmay ganacsatadii in ay gacan ka siiyaan ciidanka wakhtiyada ay gurmadka ugu soo baxaan.
Taliyaha ayaa ku booriyey ganacsatada in ay ka fogaadan wadooyinka lagu dhex ganacsanayo si ay ciidanka Dab-demiska u helaan wado furan oo deg deg ugu sahasha la tacaalida khatar kasta oo soo wajahda goobaha ganacsi ee suuqa dhexdiisa.