Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Galbeed Ee Magaaladda Hargeysa Iyo CD Oo Ka Hawl Galay

Hargeysa Alle haw naxariistee Hal Qof ayaa ku dhintay Abaaro 12:58 habeenimo ee xalay Shil baabuur oo ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa, Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa oo halkaas si deg dega ah gurmad ugu gaadhay.

Labada gaadhi oo isku dhacay ayaa kala ahaa Gaadhi Booyad ah iyo gaadhi yar oo nooca xamuulka ah ee loo yaqaano Dameer-qadiyaha.

Ciidanka Dabdemiska iyagoo adeegsanaya Gaadiidka Wiishka iyo xirfadda samatabixinta waxay Maydkii ka soo saareen Gaadhiga.

Ciidamada Booliska iyo Taraafikada ayaa dhankooda iyaguna hawlgalkaas qayb laxaad leh ka qaatay waana ciidamo ku amaanan shaqadooda.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
990 / Gurmadka Degdega
Somalilandfire@gmail.com