
Taliyaha ayaa ugu horayn weftigaa u sharaxay marxaladihii uu soo maray ciidanka Dab-demisku , waxqabadkii u qabsoomay iyo qorshayaasha ciidanka Dab-demiska Somaliland.
Dhankooda safiirada ayaa ka mahadceliyay soo dhawayntan, waxaanay tilmaameen in ciidamada Dab-demiska Somaliland ay qabteen wax badan oo la taaban karo, dawlada UK na diyaar u tahay horumarinta ciidamada Dab-demiska JSL.
Dhanka kale waxaa isaguna goibjoog ahaa kulankaa Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.
Ugu dambayn weftigaa ayaa soo maray qaybaha kala duwan ee taliska.
Info.fire@sldgov.org