Safiirka UK ee Somaliland Amb Kate Foster oo soo Booqatay Taliska guud ee Ciidanka Dab-demiska JSL.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta kulan la qaatay safiirada Somaliland ee UK Ambassador Kate Foster iyo Ambassador Lizzie Walker oo booqasho ku yimi taliska guud ee ciidanka Dab-demiska Somaliland.
Taliyaha ayaa ugu horayn weftigaa u sharaxay marxaladihii uu soo maray ciidanka Dab-demisku , waxqabadkii u qabsoomay iyo qorshayaasha ciidanka Dab-demiska Somaliland.
Dhankooda safiirada ayaa ka mahadceliyay soo dhawayntan, waxaanay tilmaameen in ciidamada Dab-demiska Somaliland ay qabteen wax badan oo la taaban karo, dawlada UK na diyaar u tahay horumarinta ciidamada Dab-demiska JSL.
Dhanka kale waxaa isaguna goibjoog ahaa kulankaa Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.
Ugu dambayn weftigaa ayaa soo maray qaybaha kala duwan ee taliska.
Info.fire@sldgov.org