Safiirka Somaliland Ee Wadanka Taiwan Oo Booqasho Ku Yimi Taliska Guud Ee Ciidanka Dab-Demiska Jsl

Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka Taiwan Amb Mohamed Hagi oo booqasho Ku yimi Taliska Guud ee ciidanka Dabdemiska Jsl.Hargeysa Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta galinkii dambe kulan la qaatay Safiirka Somaliland u fadhiya Taiwan Ambassador Maxamed Cumar Xaaji.

Ujeedada kulankan ayaa daaranaa sidii ciidanka Dab-demiska Somaliland iyo taiwan u samayn lahaayeen iskaashi gaar ahaan barnaamijka waddanka Taiwan ee lagu magacaabo ICDF ( International cooperation and development fund).

Ugu horayn taliyaha ciidanka Dab-demiska ayaa soo dhaweeyay safiirka, waxaanuu sharaxaad iyo faahfaahin ka siiyay hawlaha Shaqo ee ciidanka Dabdemisku bulshada u hayo, waxyaabaha u qabsoomay, waxa ka dhiman iyo qorshayaasha ciidanka. Sidoo kale wuxuu taliyuhu ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in taiwan iyo ciidanka Dabdemisku iska kaashadaan Horumarinta ciidanka Dab-demiska.

Dhankiisa waxaa halkaa ka hadlay Ambassador Maxamed Xaaji waxaanu ka mahadnaqay soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay, waxaanuu tilmaamay in ciidanku horumar badan ku tallaabsaday ayna mudantahay in lagu garab galo , Isla markaana laga fikiro sidii loo sii horumarin lahaa.

Sidoo kale wuxuu safiirku ballanqaaday in waxbadan oo horumarka ciidanka Dab-demiska ku saabsan kala hadli doono waddanka Taiwan.

Ugu dambayn wuxuu safiirku soo maray qaybaha kala duwan ee taliska guud xafiisyada, gaadiidka iyo xubnaha ciidanka.

Xafiiska warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
Info@somalilandfire.com
990/ Gurmadka degdega ah