Safiirka Somaliland ee jooga waddanka Itoobiya ayaa maanta booqasho ku yimi taliska guud ee ciidanka dabdemiska ee magaalada Hargeysa.

Safiirka Somaliland ee Waddanka Itoobiya Ambassador Maxamed Axmed Maxamuud Cawad ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimi taliska guud ee ciidanka Dab-demiska Somaliland, waxaana halkaa ku qaabilay taliyaha ciidamada Dab-demiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili.
Booqashada Safiirka ayaa daarnayd inuu wax ka ogaado hawlaha shaqo ee ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayaan bulshada, waxaana halkaa uga waramay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska oo uga waramay hawlaha nafhurista leh ee ay ciidanka Dab-demisku had iyo jeer ka hawlgalaan.
Dhanka kale labada masuul ayaa ka wada hadlay iskaashiga wadashaqayneed iyo isku xidhka Dab-demiska waddanka Itoobiya iyo ciidamada Dab-demiska Somaliland, iyadoo marar badan ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland ay dab ka bakhtiiyaan magaalada Wajaale gaar ahaan dhinaca Itoobiya.
Ugu dambayn kulkan ayaa ku soo dhamaaday is afgarad iyo in la dardargeliyo wadashaqaynta labada dhinac.
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 Emergency Service