Olalihii nadaafadeed ee billaha ahaa oo ciidanka Dab-demisku ka hawlgaleen magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa waxay maanta ka hawlgaleen nadaafadii billaha ahayd ee caasimada Hargeysa , waxaana ciidamadu ka shaqeeyeen agagaarka xarunta guud ee ciidanka Dab-demiska ee magaalada Hargeysa.
Ciidanka ayaa markastaba ka qayb qaata ololayaasha nadaafada ee ka qabsooma guud ahaan magaalooyinka iyo degmooyinka dalka.
Cabdiwahaab Cismaan Toox
info.fire@sldgov.org