Hargeysa Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa abaaro 3:58 am subaxnimo ka hawlgalay kana hortagay inuu Dab ka kaco kaalinta shidaalka ee Mother land oo ku taalla xaafada Star.



Ciidanka Dabdemiska degmada Maxamuud Haybe ayaa si degdega ah u soo gaadhay goobtaas, waxaanay xakameeyeen in Dab halkaas ka dhasho.

Sidoo kale waxaa ciidanku dabkaas ka badbaadiyay hantida meheradaas taalla oo iskugu jirta kaalinta shidaalka iyo meherado ganacsi.

Mulkiilayaasha meheradaas iska leh oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay ciidanka Dab-demiska. 

Ciidanka Booliska iyo Shirkadda korontada ayaa iyaguna goobtaas soo gaadhay.