Naftood Hureyaasha Ciidanka Dab-Demiska Oo Samato Bixin Nafeed U Sameeyey Arday Dab Ku Qabsaday Machadkii Ay Wax Ku Baranaayeen

Degdeg : #Hargeysa- 48 qof ayaa ku dhaawacmay Dab weyn oo ka kacay machadka culuumta diinta , ciidanka Dab-demiska ayaa si degdega uga hawlgalay waxaanay samatabixiyeen dhammaan dadkii, iyadoo la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Dhaawaca ayaa kala ahaa 40 dumara iyo 8 raga, waxaa sidoo kale dhaawacmay askari ciidanka Dab-demiska ka tiirsan, kaasi oo samatabixinayay dadkaas.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, duqa caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay guud ahaan wacyigelin ujeediyeen bulshadu inay dhismayaasha u sameeyaan meelo laga baxo hadii dab ka dhaco, waxaanay bogaadiyeen shaqada ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayo bulshada.

Machadkan ayaa waxaa dhiganayay boqolaal arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta, waxaana ciidanku badbaadiyay dhamaan ardaydaas.

Dhismahan ayaa ka koobnaa laba dabaq oo kala ahaa 20 qol iyo masaajid,Ardayda dhaawacu soo gaadhay ayaa dhaawacadu sababay daadgurayntii ay ka soo daadanayeen dabaqa sare, ka hor intii aanuu ciidanka Dab-demisku soo gaadhin goobtaas.

Ciidanka Dab-demiska ayaa Moobilo iyo lacago ardaydu lahaayeen ku wareejiyay maamulka dugsiga, waxaana hawlgalkan ciidanka kala shaqeeyay ciidamada Booliska.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/Somaliland.