Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo kormeer ku yimi Taliska guud ee ciidanka Dab-demiska JSL

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeer Ku yimi taliska guud ee Ciidamada Dab-damiska, Xadhigana ka jaray Sideed Gaadhi oo cusub.
Madaxweynaha ayaa ugu horaynba Salaan ka qaatay cutub ka tirsan Ciidanka Dam-demiska, Taliyaha Ciidanka Dam-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa Madaxweynaha u mahadnaqay,sidoo kalena uga warbixiyey hannaanka shaqo ee Ciidanku u hayaan Bulshada Somaliland, iyadoo guud ahaan Ciidanku ka hawlgalaan lixda gobol ee Somaliland.

Madaxweynaha oo halkaa ka hadlay ayaa Ciidanka Dam-demiska uga mahadceliyey hawsha baaxadda leh ee ay qaranka u hayaan waxaana uu yidhi Madaxweynuhu “Waxaan marka hore aad iyo aad ugu hambalyeynayaa Ciidanka Dam-demiska shaqada culus ee khatarta leh ee maalin dagaalka joogtada ah leh ee aad Dabka la dagaalamaysaan ee aad qaranka u haysaan, waan idiinku hambalyeynayaa, qarankuna waa idiin ogyahay wixii idinka dhimmana waa la gaadhi doona, waxaan si gaara ugu hambalyeynayaa oo ummadda oo dhami u ducaynaysaa Taliyaha oo isagu shaqadan bilaabay iyada oo aanu Dam-demisba jirin ayuu Idaacada ka bilaabay, markii danbena wuxuu ka bilaabay ciddla maantana wuxuu gaadhay gobolada oo dhan iyo magaalooyinka waaweyn”.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ciidanka Dam-demiska kula dardaarmay inay aqoontaasi ka dhaxlaan, loogana baahan yahay in la dhiso Dam-demis qaranka oo dhan anfaca “Runtii hawshaasi waa hal-abuurnimada qofka kama soo hadho horumarka iyo waxqabadku qofka hoggaamiyaha ah hal-abuurkiisa, ta kale nidaamka uu sameeyey iyo isgaadhsiinta hawl-gelinta waxaa ka muuqata aqoon, waa bilow hawshan dam-damisku iyo qaranka aynu dhisaynaaba, waxaad noqoteen dufcadii ugu horaysay ee lagu aasaasay Dam-demiska dhammaantiin, Axmed Labaatan sanno oo danbe sii shaqayn kari maayo raggii dhaxli lahaa baad tihiin, markaa waxaan idinka rajaynayaa inaad hal-abuurnimadaa qaadataan inaad waddani-nimada xejisaan inaad dhistaan Dam-damis dalka oo dhan anfici kara, aqoontiina inaad kordhisaan, dhibaatooyinka badan ee idinla deriska iyo duruufaha aad ku jirtaan waa u samraynaa, u malayn maayo ciidan ama waax shacbigu maanta uga duco badan yahay iyo dawladba oo laga jecelyahay inuu jiro wixii idinka maqani waa waxaan gaadhi waynay dedaalna waa laydiin kordhinayaa”.

Madaxweynuhu waxa uu Ciidanka Dam-demiska faray inay ballaadhiyaan hawsha ay hayaan si guul buuxda looga gaadho “Waxaan doonayaa inaan mar labaad ku celiyo inaad balaadhisaan hawsha aad qabataan dadka wacyi-gelisaan,dhalinyaro wax bartaan idinku isku duubnaataan hormuud noqotaan waayo ciidamada kale oo dhami way soo dhisnaayeen oo waa la yaqaana, waxaan u mahadnaqayaa Waaxaha la shaqeeya Dam-demiska oo uu kow ka yahay Boolisku iyo taliyahoodu inay gacantaa wanaagsan iyo wadajirkaa ku shaqeeyaan, waxa kale oo aan u mahadnaqaynaa Dawladda hoose oo shaqadeedii si fiican uga soo baxday”.

Ugu dambayn waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi xadhiga ka jaray Sideed Gaadhi oo cusub oo ciidamada Dab-demisku Sannadkan soo kordhiyeen, sidoo kale wuxuu kormeer ku soo sameeyay qaybaha kala duwan ee Gaadiidka,Isgaadhsiinta, iyo Maktabada ciidamada Dab-demisku wax ku akhristaan.

Wa-bilaahi Tawfiiq
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 Emergency Service