Muruqmaal ku nafwaayay Musqul uu qodayay oo ku taala xaafada Kulmiye ee magaalada Ceerigaabo.

Muruqmaal ku nafwaayay Musqul uu qodayay oo ku taala xaafada Kulmiye ee magaalada Ceerigaabo
#Ceerigaabo- Alle haw Naxariistee nin muruqmaal ah ayaa maanta ku nafwaayay Musqul uu ka xoogsanayay kuna taala xaafada Kulmiye ee magaalada Ceerigaabo.
Hawlgal ciidanka Dab-demiska Ceerigaabo fuliyeen ayaa ay ku guuleysteen inay maydka ka soo saaraan godka.
Gurmadkan waxaa ka hawlgalay dhamaan ciidanka ku sugan xaruntaas, iyadoo ay kala qayb qaateen maamulka degmada iyo ciidamada Booliska degmada.
Musqushan ayaa ahayd God aad u dheer , waxaana badanka goobaha noocan oo kale ciidanka Dab-demiska ka soo gaadha caqabado kala duwan marka hawlgalada samatabixinta iyo gurmadada kale lagu gudo jiro, taasoo sabab ay u tahay qaabka loo sameeyo.
Ugu dambayn Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan ka farayaa muwaadiniinta ku nool Somaliland inay ka digtoonaadaan bullaacadaha iyo godadka aan loo meel dayin ama aan la daboolin , kuwaasoo khatar ku ah dad iyo duunyaba.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan tacsi uga dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu marxuumkaasi ka baxay Samir iyo iimaan saadiqa Alle ha ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin
Info@somalilandfire.com
990 Emergency Service