Mid ka mida Qurbajoogta Somaliland oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska JSL

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Xasan "Sawaaxili" ayaa maanta xarunta dhexe ee ciidanka Dabdemiska ku qaabbilay Maxamuud Axmed Qori oo ka mid ah dhalinyarada firfircoon ee qurbejoogga reer Somaliland ee dalka Canada waxaanay ka wada hadleen sidii qurbejoogga reer Somaliland ee ku sugan caalamka ay taageero uga geysan lahaayeen horumarka kala duwan ee ka socda Somaliland gaar ahaan ciidanka Dab-demiska oo hadda horumar wanaagsan ku talaabsanaya.
Kulankan waxaa taliyaha ku wehelinayay madaxa Warbaahinta & Xidhiidhka Bulshada ciidanka Dab-demiska Cabdiwahaab Toox .
Aqoonyahan Maxamuud Axmed Qori ayaa ka mid ah ururo iyo jaaliyado u hawlgala si mutadawacnimo waxaanuu xidhiidhiye ka yahay ururka Somaliland Global Diaspora Forum (SGDF) ,sidoo kale wuxuu xubin ka yahay KULAN Community & Youth Development magaaladaAlberta iyo xubin ka tirsan HAYAAN Society Canada, waxaana marar badan ka qayb qaateen horumarka dalka.
Info@fire.govsomaliland.org
990 Emergency Service