Taliyaha Ciidanka Dab-Dabdemiska Jsl Oo Shirkadda Sahan Books Uga Mahad Celiyey Maktabadda Akhriska Ee Ciidanka Oo Dhawaan La Yagleelay

Maktabada Sahan Books ayaa maanta Buugaag kala duwan oo cilmi laga faaideysan doono ku wareejiyay Ciidanka Dab-demiska Somaliland , waxaana ka gudoomay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili.

Ugu horayn Maamulka Sahanbooks Caydaruus Maxamed Cabdi ayaa sheegay in ciidamada Dab-demisku shaqo heegana ku jiraana, markasatabana ay waajib tahay inay helaan aqoon kororsi, waxaanu sharaxay buugaagtani nooca ay yihiin iyo faaidada ay ciidanka Dab-demiska u leeyihiin.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska ayaa isaguna u mahadnaqay maamulka Sahanbooks Xayaad iyo guud ahaan hawlwadeenada maktabada, waxaanuu taliyuhu xusay inay wax weyn ku soo kordhin doonto maktabani qaybaha akhriska iyo qoraalka oo kor loogu qaadi doono ciidamada Dab-demiska, iyadoo ciidanku inta heeganka ku jiraan ay ka faaidi doonaan maktabadan.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in markastaba ciidanku halkan ku samayn doonaan aqoon is waydaarsi, bandhigyo iyo in laysku dhaafsado wixii ku saabsan akhriska iyo qoraalka, dhanka kale ciidanka ku sugan xarumaha kala duwan ee ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ay iyaguna dhankooda ka faaideysan doonaa.

Ugu dambayn maamulka Sahanbooks ayaa buugaagtan ku wareejiyay taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 Emergency Service