Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland oo soo booqday Taliska guud ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland.

#Hargeysa Madaxweyne xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta booqasho ku yimi taliska guud ee Ciidanka Dab-demiska ee magaalada caasimada Hargeysa.
Taliyaha ciidanka Dab-demiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan ayaa halkaa ku soo dhaweeyay, waxaanu sharaxaad ka siiyay qaabka ciidanku u shaqeeyo, goobaha uu hadda ka hawlgalo iyo qorshayaasha ciidanka.
Madaxweyne ku xigeen Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa bogaadiyay shaqada ciidanka Dab-demiska Somaliland qaranka u hayaan iyo kaalintay bulshada ugu jiraan ay tahay mid mudnaan gaara leh.
Ugu dambayn wuxuu soo maray qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay xarunta dhexe ee ciidanka Dabdemiska.
990 Gurmadka Degdega ah
Info@fire.govsomaliland.org