Madaxweyne xigeenka Somaliland oo soo kormeeray Taliska Ciidanka Dab-demiska JSL

#Hargeysa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo uu wehelinayo Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta kormeer kadis ah ku yimi taliska ciidanka Dab-demiska qaranka JSL ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili.
Ugu horayna waxaa Madaxweyne xigeenku uu salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka dab-demiska , waxaanu soo maray xafiisyada kala duwan ee ay ka koobantahay taliska guud ee ciidanka dab-demiska iyo qaybihiisa kala duwan.
Taliye Sawaaxili ayaa waxaa uu warbixin dheer ka siiyay marxaladihii uu soo maray ciidanku iyadoo ciidanku uu jiray muddo kooban hadana uu ku guuleystay inuu damiyo ama u gurmado dhiilo kasta , Ciidankuna hadh iyo habeenba heegan u yahay u shaqaynta iyo badbaadinta nafta iyo maalka muwaadiniinta Somaliland, waxaanuu warbixin gaara ka siiyay dhacdooyinkii dhacay lix biloodkii hore ee sanadakan 2021.
Dhankiisa Madaxweyne xigeenka ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta aad ka u heerka saraysa, waxaanuu tilmaamay horumarka xawliga ah ee uu ciidanku ku socodo isagoo jira muddo aad u kooban, waxaanu ka marag kacay in ciidanka dab-demisku haysto dhalinyar u carbisan xirfada ciidanka dab-demiska isla markaana heegan ah afar iyo labaatanka saacadoodba.
Dhanka kale wuxuu Madaxweyne xigeenku xusay inuu hiil iyo hooba qaranku la garab taaganyahay ciidanka Dab-demiska, waxaanuu ku booriyay inay dedaalka ay qarankooda ugu shaqaynayaan halkaas ka sii wadaan.
Info@fire.govsomaliland.org
990 Emergency Service
www.fire.govsomaliland.org