Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa maanta xadhiga ka jaray xarunta ciidanka Dab-demiska magaalada Wajaale.


Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa maanta xadhiga ka jaray xarunta ciidanka Dab-demiska magaalada Wajaale.
Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, wasiiro, madaxda gobolka, dadka deegaanka iyo saraakiisha Ciidanka ayaa goobjoog ahaa munaasibadaas.
Taliyaha ciidanka Dab-demiska oo halkaa ka hadlay ayaa ka hadlay marxaladihii uu soo maray mashruucani waxaanuu uga mahadceliyay xukuumada Somaliland dhismahan, sidoo kale bulshada Wajaalena ku booriyay inay ka qayb qaataan horumarka ciidanka Dab-demiska.
Ugu dambayn Madaxweyne xigeenka ayaa sidoo kale xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed.
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
www.fire.govsomaliland.org




+13