Laba Wiil oo ku dhintay dab , halka laba kalena ku dhaawacmeen magaalada Boorama.+ Ciidanka Dab-demiska oo gurmad u fidiyay.

Alle haw naxariistee laba caruura ayaa ku dhintay, halka laba kalena ku dhaawacmeen dab ka kacay guri jiingada oo ku yaala agagaarka Madaarka Boorama ee degmada Sheekh Cismaan.
Ciidanka Dab-demiska Boorama oo goobtaas gaadhay ayaa gurmad u fidiyay , waxaana ciidamadu dabkaa ka xakameeyeen gurigii , iyadoo intaa kadibna la sameeyay samatabixinta iyo in maydka laga soo saaro guriga.
Labada caruur ah ee dabka ku dhintay ayaa kala ahaa :
Deeqsan Sheekh Muuse Maxamed oo 3 Sanno jirtay iyo Aragsan Sheekh Muuse Maxamed oo 9 bilood jirtay.Halka labada dhaawaca ah ay kala ahaayeen Muxumed Sheekh Muuse oo 5 sanno jiray iyo Khaalid Sheekh Muuse oo 8 sanno jiray.
Ciidanka Baadhista Booliska ayaa la wareegay baadhista kiiskaas, waxaana dhaawacii iyo dhimashadii la gaadhsiiyay cisbitaalka.
Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka waantoobaan caruurta guriga dusha lagaga xidhayo, cidda falkaa samaysana waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.
Fore more information
Cabdiwahaab Toox
Media & PR Officer
Info.fire@sldgov.org
990 Emergency Service