Hargeysa _ Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka ciidan weynaha Dab-demiska jamhuuriyada Somaliland

Hargeysa _ Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka ciidan weynaha Dab-demiska jamhuuriyada Somaliland, wuxuu soo dhaweeyay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed oo safar caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Taliyaha ciidanka Dab-demiska iyo masuuliyiin kale oo iskugu jiray wasiiro iyo taliyaasha ciidamada kala duwan ayaa Ilaahay uga baryay wasiirka caafimaad iyo cimri dherer.

Dhankiisa wasiir Maxamed Kaahin ayaa u mahadnaqay masuuliyiinta soo dhaweeyay wuxuuna sheegay in dhamaan qofkasta oo u soo duceeyay uu u mahadnaqayo.

Allaa mahad leh. 

Info@somalilandfire.com 
990 Gurmadka degdega ah