#Hargeysa Ciidanka Dabdemiska caasimada Hargeysa ayaa habeenimadii xalay gurmad u fidiyay gaadiid Roobkii ka da'ay magaalada Hargeysa.

#Hargeysa Ciidanka Dabdemiska caasimada Hargeysa ayaa habeenimadii xalay gurmad u fidiyay gaadiid Roobkii ka da'ay magaalada Hargeysa.
Ciidanka ayaa dhawr hawlgal ugu baxay meelo kala duwan :
1. Gaadhi Vitz ah oo ciidanku ka soo saareen dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.
2. Gaadhi kale oo Vitz oo isna laga soo saaray laag ku taala agagaarka cisbitaalka Gargaar.
3. Laba gaadhi oo Indhacade Grande iyo Mark II ah oo ciidanku ka soo saareen degmooyinka Macallin Haaruun iyo 26 June.
Alle Mahadii ciidanka ayaa dhamaan hawlgaladaa ku guuleystay, waxaa iyaguna hawlgalkaa qayb ka ahaa ciidanka Booliska Hargeysa.
Ciidanka Dabdemisku wuxuu markastaba ku wacyigelinayaa bulshada in markasta oo Roob da'o inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenada iyo dooxyada, cidii ka dhego_adaygtana waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.
www.fire.govsomaliland.org
990 Emergency Service