Hargeysa _ Ciidanka Dab-demiska Somaliland saraakiil iyo ciidan ayaa heegan buuxa ka galaya arrimaha doorashooyinka ee inagu soo foolka leh maalmaha soo socda.

Ciidanka Dab-demiska ayaa ka hawlgali doonaa maalmahaas sidii looga hawlgali lahaa goobaha muhiimka ah iyadoo laga taxadarayo lana samaynayo ka hortag in Dab ka kaco goobaha codbixinta ee saxmada badan Ilaahay inaguma Keenee.

Sidoo kale ciidanka Dab-demiska ayaa gacan siin doona laamaha amaanka gaar ahaan ciidanka Booliska oo ku hawlan sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee doorashooyinka isku sidkan ee ka qabsoomi doona Jamhuuriyada Somaliland. 

Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo saraakiisha kale ee ciidanka oo maanta ciidanka la hadlay ayaa ku dardaaray inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan, Isla markaana dedaalka iyo heeganka sii laban laabaan muddada lagu jiro doorashooyinka.