Hargeysa: Ciidanka Dab-Demiska Oo Tobabar U Furay Bulshada Degan Kaamka Barakacayaasha Ee Istaambuul

#Hargeysa- 25/10/2020 – Tababar iyo Wacyigelin ku saabsan qaabka loo isticmaalo Damiyaasha yar yar ee lagu isticmaalo daminta dabka ( Dry Powder ) ayaa maanta waaxda Farsamada iyo tababarada bulshada oo kaashanaysa haayada SOS Children’sVillage u qabteen qaar ka mida dadka barakacayaasha deggan kaamka Istaambuul qaybta koowaad, waxaana tababarkaas bixinayay Hogaanka waaxda farsamada iyo tababarada bulshada.

Ujeedada tababarkan ayaa ka timi kadib markii muddooyin kala duwan dab qabsaday xeradaas, waxaana ciidanka iyo haayada SOS Children’s Village qaybteeda magaalada Hargeysa isla garteen in dadka halkaas ku nool lagu tababaro ka hortagga dabka.

Tababarkani muddadii uu socday waxay la tababarayaashu ka faa’ideen sida ugu haboon ee loo damiyo dabka, qaabka loo isticmaalo damiyaasha yar yar iyo wacyigelin guud oo ku saabsan hababka loola soo xidhiidho ciidanka hadii dab yimaado.

Waa markii labaad ee tababar noocan ah ciidanku u qabto dadka ku nool barakacayaasha deegaanka Istaambuul, waxaanay ciidanka u sheegeen in tababarkii hore kadib dab ka kacay kaamka iyagu ay damiyeen.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/Somaliland
990 / Emergency Call