Hargeysa _ Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa  damiyay dab Qabsaday guri Jiingada oo ku yaalla Degmada 26 June gaar ahaan Xaafada xawaadle


Hargeysa _ Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa  damiyay dab Qabsaday guri Jiingada oo ku yaalla Degmada 26 June gaar ahaan Xaafada xawaadle ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkaas kana xakameeyaan guryihii kale ee ka ag dhawaa gurigaas dabku qabsaday.

Ma jirin Dhaawac iyo Dhimasho toona, sababta dabkaa dhalisayna waxaa gacanta ku haya laamaha baadhista.

Dhanka kale maamulka Degmada iyo Laamaha Amaanka ayaa iyaguna hawlgalkaa ka qayb qaatay.