Hambalyada Ciida Ee Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland.

Hambalyada Ciida Ee Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland.
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka ciidanka Dab-demiska Somaliland waxa uu Munaasibada Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Golaha Xukuumada oo ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, Saddexda Gole Qaran, Ciidamada Qaranka ee kala duwan, axsaabta Qaranka iyo dhamaan Shucuubta Islaamka, Si gaara wuxuu Taliyuhu Hambalyo ugu dirayaa Dhamaan Xubnaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland iyo Xaasaskooda meel kasta oo kala joogaanba.
Waxaanu Taliyuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban, bash-bash iyo barwaaqo,
Cabdiwahaab Toox
Gurmadka Degdega ah 990
Info.fire@sldgov.org
Hargeysa/Somaliland