Guri Jiingada Oo Ku Gubtay Daanta Galbeed Ee Degmada Wajaale

Ciidanka Dabdemiska Degmada Wajaale ayaa maanta damiyay dab qabsaday Guri Jiingada oo ku yaalla Xaafada Galbeed ka gaar ahaan dhinaca Itoobiya ee Degmadaas.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay dabkaa xakameeyaan, kuna hakiyaan halkii uu ka bilaabmay.

Ma jiro khasaare Dhaawac iyo Dhimasho, waxaana Ciidanka Dabdemiska hawlgalkaa kala qayb qaatay laamaha wadashaynta ay leeyihiin.

Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska JSL
Wajaale/ Somaliland
990Emergency Call
Somalilandfire@gmail.com