Gaadhi Propox oo ciidanka Dab-demisku gurmad u fidiyeen magaalada Hargeysa.

Gaadhi Propox ayaa ciidanka Dab-demiska Hargeysa ka soo saareen goob uu si khaldan ugu dhacay agagaarka Deero Mall ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka oo adeegsanaya xirfada badbaadada iyo samatabixinta ayaa si fudud uga soo saaray gaadhigaas oo ku caddilnaa goobtaas, ma jirin khasaare soo gaadhay gaadhiga.

Mulkiilaha gaadhigaa lahaa oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska ayaa halkaa uga mahadnaqay ciidamada Dab-demiska Somaliland.

Info.fire@sldgov.org
990 Gurmadka degdega ah
Cabdiwahaab Toox
Media & PR