Gaadhi Nooca loo yaqaano Vitz oo ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen Roobabkii xalay ka da'ay magaalada Hargeysa, ayaa ciidamada Dab-demisku ka soo saareen laag ku taala xaafada Gol-janno

Gaadhi Nooca loo yaqaano Vitz oo ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen Roobabkii xalay ka da'ay magaalada Hargeysa, ayaa ciidamada Dab-demisku ka soo saareen laag ku taala xaafada Gol-janno.
Ciidanka Dab-demiska ayaa ku guuleystay inay gaadhigaa ka soo badbaadiyaan daadka oo rogmanaya, mana jirin cid waxyeelo ka soo gaadhay gaadhigaa.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in xilliyada Roobka ay ka taxadaraan goobaha dooxyada, laagaha, biyo mareenada iyo meel kasta oo halis keeni karta. Sidoo kale darawalada ku biimeeya gaadiidka goobaha khataraha ah waxaa la marsiinayaa sharciga.
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 Emergency Service