Diwaan Gelinta CD Ee Habka Casriga Ah Ayaa Maanta Laga Daah Furay Xarunta Ciidanka Dab-Demiska Ee Magaaladda Boorame

Boorama Diiwaangelinta Ciidanka Dab-demiska ee Bu’ada Indhaha iyo Faraha ( Biometric System) ayaa maanta si rasmiya looga daahfuray xarunta Ciidanka Dab-demiska magaalada Boorama.

Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeyo guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa ugu horayn kulan la qaatay Agaasimaha Waaxda Diiwaangelinta wasaarada arrimaha gudaha waxaanay Isla falanqeeyeen qaabka ay u qabsoomayso diiwaangelinta ciidanka ee gobolada galbeedka.

Intaa kadib Munaasibad ka qabsoontay xarunta Ciidanka Dab-demiska Boorama oo ay ka soo qaybgaleen Xoghayaha dawlada hoose ee Boorama ,Taliyayaasha Ciidanka iyo Maamulka Waaxda diiwaangelinta ayaa lagu qabtay xarunta Ciidanka.

Ugu horayn waxaa halkaa ku soo dhaweeyay waftiga cutub ka tirsan Ciidanka oo ay horkacayaan Taliyaha Gobolka Awdal ee Ciidanka Dab-demiska iyo saraakiisha kale ee ku sugan halkaas.

Masuuliyiinta ayaa si isku mida u bogaadiyay hawshan, waxaanay tilmaameen inay tahay markii u horaysay ee laga sameeyo diiwaangelintan oo kale Gobolka , taasoo Ciidanka Dab-demiska Somaliland noqonayo ciidamadii ugu horeeyay ee nidaamkan loo sameeyo.

Dhankooda masuuliyiinta Waaxda diiwaangelinta Ciidanka ee hawshaas hirgeliyay oo uu horkacayo Agaasimaha waaxda Yaasiin Cismaan iyo kooxdiisa ayaa Sheegay inay marwalba ciidanka la garab taagan yihiin hiil iyo hooba.

Ugu dambayn hawshaas waxaa maanta si rasmiya u daahfuray xoghayaha dawlada hoose,saraakiisha Ciidanka Dab-demiska Boorama iyo masuuliyiinta waaxda diiwaangelinta wasaarada arrimaha gudaha Somaliland.

Masuuliyiinta Waaxda diiwaangelinta ayaa muddadii hawshan Ciidanka Dab-demiska Somaliland ay kala shaqaynayeen muujiyay dedaal, karti iyo Hufnaan, waxaana Ciidanku uga mahadnaqayaa hawshaa culus ee ay tunka u riteen, iyagoo soo maray magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, haddana ku gudajira Gobolada galbeedka iyagoo dhawaana gaadhi doona Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Boorama/ Somaliland
Somalilandfire@gmail.com