Dabdemiska Ceerigaabo iyo Hargeysa oo ka halwgalay guryo gubtay kuwaasoo u badnaa daaro iyo Jiingado.

Hargeysa_ Ciidamada Dab-demiska Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa ka hawlgalay Affar Hawlgal kuwaasi oo ahaa Guryo Gubtay.

Ciidamada Burco ayaa ka hawlgalay daminta laba Dab kuwaasoo ahaa Guryo Daaro ah oo gubtay, kuna yaallay Xaafadaha ,Nafaqo iyo Caqiibo.

Dhanka kale Ciidanka Ceerigaabo ayaa damiyay Guri Jiingada oo ku yaala magaaladaasi.

Dhankooda Ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa damiyay guri Jiingada oo ku yaala xaafada Maxamed Mooge.

Ilaahay mahadii Ciidanka ayaa dhamaan ku guuleystay hawlgaladaas.

Allaa Mahad leh