Dab weyn oo ka kacay xeryaha Adhiilaha Maxjarada dhoofka Xoolaha ee xaafada Burco sheekh ayaa ciidamada Dab-demiska magaalada Berbera damiyeen.

Dab weyn oo ka kacay xeryaha Adhiilaha Maxjarada dhoofka Xoolaha ee xaafada Burco sheekh ayaa ciidamada Dab-demiska magaalada Berbera damiyeen.
Dabkan oo ahaa Dab baaxadiisu weynayd ayaa qaatay saacado badan in lagu soo afjaro bakhtiinta dabka. Waxaana dabku ka kacay caws kayd ahaa.
Ma jirin khasaare ka dhashay dabkaas, waxaana sababta dabkan dhalisay gacanta ku haya ciidanka Booliska.
Dhankooda ciidamada Booliska ayaa hawlgalkan ka qayb qaatay. Sidoo kale Dab-demiska dekeda, haamaha shidaalka, dawlada hoose Berbera iyo madaarka ayaa iyaguna ka qayb qaatay.
Ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaan bulshada in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab xilliyadan lagu jiro dabayl xagaaga.
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 Emergency Service