Warbixin dabkii ka dhacay Suuqa weyn ee Waaheen ee Ciidamada Dab-demisu damiyeen.

Dabkii abaaro xalay 8:00 pm ka bilaabmay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa oo hadda gebagabo ku dhaw.
Ciidamada Dab-demiska caasimada Hargeysa, gobolka Gabiley iyo gobolka Saaxil, booyadlayaasha caasimada Hargeysa, dawlada hoose Hargeysa, ciidamada Qaranka Somaliland, wakaalada Biyaha Hargeysa, Wakaalada Korontada, Cisbitaalka guud,ciidamada Dab-demiska dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan xukuumad iyo shacab Alle mahadii waxaa lagu guuleystay in la xakameeyo dabkaas.
Dabka oo ahaa mid si xawliya ku fidiya ayaa gaadhay qaybo badan oo suuqa ah, iyadoo caqabadaha ugu waaweyn ee daminta dabkaasi ay qayb weyn ka ahaayeen waddooyinka laga soo galo suuqa oo ah kuwo aan gaadiidka Dab-demisku mari karin, goobaha ganacsiga oo ahaa kuwo isku raran ah iyo buuqa dadweynaha oo aad u fara badnaa.
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo guud ahaan Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa heegan buuxa ka galay xaaladan gurmadka, waxaana ugu dambayn ciidamadu ku guuleysteen xakamaynta iyo daminta dabka.
Dhaawacyo fudud ayaa soo gaadhay ciidamada Dab-demiska iyo dab shacaba oo ku jiray gurmadka, waxaana lagu dabiibayaa cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. Mana jirin dhimasho iyo dhaawacyo culus.
Sababta dabkan dhalisay waxaa gacanta ku haya ciidamada Booliska gaar ahaan qaybta baadhista.Dhanka kale waxaa iyadana gubatay hanti badan oo gaadhaysa Malaayiin doolar.
Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo gaadhay suuqa weyn ee Hargeysa, ayaa halkaa uga mahadceliyay xukuumad iyo shacab sida weyn ee loo gurmaday, waxaanuu madaxweynuhu ballanqaaday in Hal Milyan oo dollar xukuumadu ugu deeqday bulshada masiibadu ku dhacday si hawshaa gurmad ee Qaran loogu sii bilaabo.
Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan ugu baaqayaa xukuumad iyo shacab in bulshadaa masiibadu ku dhacday in gudo iyo dibadba la taakuleeyo lana garab istaago dadkaa, qofkastaabana uu ka qayb qaato hawshan, islamarkaana caasimadeena dhisano qurxisanana.
Allaa Mahad leh
info.fire@sldgov.org
Ciidanka Dab-demiska Somaliland
Cabdiwahaab Toox