Ciidanka Dabdemiska Berbera oo damiyay Guri Jiingada oo dab Qabsaday kuna yaala degmadaas.

#Berbera 4/03/2024_ Ciidanka Dab-demiska Berbera oo maanta damiyay dab Qabsaday Guri jiingada oo ka koobnaa 2Qol Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryaha  inteeda kale mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab. 
 


Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/ Somtel 24 ka saacadood.